U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Lagu Soo Dhoweeyay Magalaada Aruusha Ee Tanzania

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.
Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya.
Dalladaan oo la aasaasay 30-kii November sanadkii 1999-kii ayaa waxaa ku midaysan wadamada Burund, Kenya,Congo, Uganda, Ruwanda, Tanzania South Sudan ayaa ku midaysan daladaan , xilligaas oo Soomaaliya aysan laheyn dowlad xoogan, madaxweyne xasan ayaa wada qorshe uu Soomaaliya ugu darayo ururkaan si ay suuq uga hesho.
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxaana talada dalka hayay madaxweyne Xasan, Soomaaliya oo laga aqbalo kamid noqoshada dalladaan ayaa waxaa ay u aragtaa fursad dhaqaale oo Soomaaliya wax ku geyn karto suuqyada dalalka ku midaysan EAC oo gaaraya 7 wadan.
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
Goobjoog News