U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo Muqdisho kulan xasaasi ah kula leh xubno ka socda golaha ammaanka QM

Sheeko:War
Madaxda dowladda Soomaaliya oo kulan la qaadanaya xubno ka socda golaha ammaanka QM
Madaxda dowladda Soomaaliya oo kulan la qaadanaya xubno ka socda golaha ammaanka QM

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay xubno ka socda golaha ammaanka qaramada midoobey oo saaka soo gaaray Muqdisho.

Xunbnaha golaha amaanka ee soo gaaray Muqdisho ayaa kulankoodu waxa uu ku saabsanyahay sidii Soomaaliya ay suurta gal uga noqon lahayd qabsoomida doorasho xor ah sanadka 2016-ka.Soomaaliya iyadoo ay goobjoog ka yihiin kulankaasi madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ra’isuwlasaaraha xukuumadda federaalka ah mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed,

Kulankan oo socon doona ilaa gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ah xubno kasocda maamul goboleedyada kajira dalka sida hogaamiyaasha maamullada Jubba iyo Galmudug iyadoo xubno kale oo matelaya maamulada kalena ay joogaan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM