U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Nairobi Uga Qeyb Galaya Caleema-saarka Madaxweyne Ruto

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaaray magaalada Nairobi  ee caasimadda dalkaas, kadib amarkii Maxkamadda.
Xasan Shiikh oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah oo markle dib usoo labtay kadib heshiis.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Kenya wuxuu khadka telefonka ku wadahadleen Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, uuna jiri doono kulan gaar ah oo labada Madaxweyne dhex mari doona labada madaxweyne.
Goobjoog News