U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Safar Ugu Ambabaxay Ereteriya

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki, waa safarkiisii sedexaad ee dibadda ah, kadib safaradii Imaaraadka  iyo dowladda  Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxaana xusid mudan in dalkaas ay ku sugan yihiin ciidamo la sheegay in ay halkaas tababar u joogaan, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ay qeyb galeen dagaalkii Itoobiya.
Madaxweyne Xasan ayaa inta inta uu dalkaas ku sugan yahay waxaa lagu wadaa inuu booqdo xerada ay ku jiraan ciidanka Soomaaliya loo tababarayo, kuwaas oo dalkaas loo qaaday xiligii Farmaajo, xilligii uu socday dagaalkii Itoobiya ayaa la sheegay in askartaas qaar kamid ah ay ku geeriyoodeen kadib markii ay ka barbar dagaalameen ciidamada dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka, waxaana xusid mudan inuu horay u sheegay inuu doonayo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah, madaxweynaha ayaa siidoo kale lagu wadaa inuu u safro dalka Masar.
Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa horay u laheyn xiriir sidaa u dhheer, waxaana xusid mudan in hoggaamiyaha Ereteriya uu booqasho kusoo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib heshiiskii  ay wada  gaartay dowladaha  Itoobiyo iyo  Ereteriya, waxaana markaas soo if baxay heshiis u dhaxeeyay hoggamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya.
Goobjoog News