U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Xariga Ka Jaray Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Ee Muqdisho Ex Ufficio Governo (Sawirro)

Sheeko:Dalka, War

Muqdisho, 20 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu qaadey isagoo kaashanaya shacabka ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa mashruuca DALKAAGA DHISO oo haatan ka soo gudbey heerkii fikirka, lonna beddeley waxqabad dhab ah oo sida maanta idin muuqataa aan dhex fadhino aqal taariikh fog ku leh dalkeena, oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii uu lahaa. Ganacsatada Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool waxaan ku boorrinayaa inay dalkooda maalgashadaan , waxayna taasi sahleysaa dib u dhiska iyo shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku ammaaney maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir mashariicda kala duwan ee horumarineed ee ay ka dhaqan geliyeen degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.
“Muqdisho way ka soo kabaneysaa dhibaatooyinkii badnaa ee la soo marey, waxayna u gudubtey marxalad cusub oo ay gacan weyn ka geysteen maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo dhammaantood ah dhalinyaro. Dayactirka dhismahan waxaa uu qeyb ka yahay hawsha wanaagsan ee aan ku ammaanayo gobolka. Waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dhismahan uu ka dhexeeyo Soomaali oo dhan maadaama ay halkani tahay caasimaddii dalka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii dadka hantidooda la haysto dib loogu soo celin lahaa, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka garsoorka ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka uu xoogga saarey hirgelinta mashaariicda dhinacyada horumarinta, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada si loo kaafiyo baahida shacabka ku nool caasimadda iyo goobaha ku dhow.

Waxaa uu intaa ku darey in dhowaan magaalada laga hirgelin doono mashaariic kale oo dhinaca adeegga bulshada la xiriira.

Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigey waxqabadkooda, gaar ahaan mashaariicda horumarinta, isdhexgalka bulshada iyo kuwo kale.

Munaasabaddan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), wasiirro , xildhibaanno, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

v9

v22 v21 v20 v19 v18 xasam v16 v15 v14 v13 v8 v7 v6 v5 v4 v3 V2 V1