Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xarigga Ka Jaray Waddooyinka Sayidka Iyo Danwadaagta Oo Dhawaan La Dhisay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga waxa uu ka jaray waddooyinka Sayidka iyo Danwadaagta ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhawaan ay dhiseen shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya iyo maamulka gobolka Banaadir oo taageeraya dadkaasi.
Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyey ayaa ugu horeen dhallinyarada Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay 15-ka May, waxaana dhinaca kale uu dhallinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyey ka qeybqaadashada horumarka dalkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maalinta dhallinyarada awgeed ay cafis u fidin doonaan dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab hadii ay dib uga soo laabtaan.
Dalka ayuu sheegay in dhismihiisa uu sugayo oo kaliya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in shacabka oo dhallinyaro u badan la doonayo inay fadhiga ka kacaan oo dalkooda dib u dhiskiisa ka qeybqaataan.
Waddooyinka Sayidka iyo Danwadaagaha horay waxay u ahaayeen waddooyin aad u burbusan oo dhibaato ay ku qabaan dadweynaha Isticmaalayey, waxaa ku yaallay meello ay fariistaan biyaha hase ahaatee hadda waa la dhisay, waxaana ay ka mid noqdeen waddooyinka fara ku tiriska ah ee magaallada Muqdisho.
Goobjoog News