U bood dhigaalka

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Taliyaaniga oo Ku Kulmay Magaalada Addis Ababa

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.
Xasan Shiikh Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale sheegay in  ay khatarta Argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika, taasna ay keentay in wadajir loola dagaalamo.
 Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay heshiis sedex geesood ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Taliyaaniga, kaas oo looga arinsanayo, dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.
Goobjoog News