U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay hindise awood siinaya dhallinyarada

Sheeko:War
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Washington DC, halkaas oo isaga iyo xubno ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kaga qeyb-galayaan  Shir-Madaxeedka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Afrika, ku dhawaaqay dhowr hindise oo ujeedadoodu tahay awoodsiinta dhallinyarada.

Soomaaliya iyada oo ka mid ah wadamada ugu dhallinyarada badan dunida, waxaa horyaallo arrimo adag oo ay ka mid yihiin gaarsiinta waxbarashada, abuurid fursado shaqo, yareynta soo jiidashada xagjirnimada iyo kordhinta ka qeyb-galka ay dhallinyardu ka qeyb-galeyso dhammaan howlaha bulsho ee ay xukuumaddu waddo.

“Dhallinyarada Soomaaliya waa mustaqbalka Soomaaliya. Waxa ay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin waxa dhallinyarada kale ee dunida u baahan tahay oo ah : in ay si nabad ah ugu dhex lugeyn karaan magaalooyinkooda, in ay qaban karaan shaqooyin macne leh oo ay ka helaan dakhlinay ku caawiyaan reerahooda, in ay iswaafajiyaan hankooda iyo fursadahooda, in ay si buuxda oo firfircoon uga qeyb-galaan qorsheynta iyo fulinta hindisyada Soomaaliya lagu wanaajinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed waxa ay da’ yarta u abuuri doontaa fursado ay kaga maarmi doonaan ka qeyb-qaadashada dagaalka iyo cunfiga. Waxa aan ku han-weynahay in aan shaaca ka rogo dhowr hindise oo aan dooneyno in aan si deg deg ah u fulinno”

-Sameynta qaab awood-siin dhallinyarada oo ay la socoto shuruucdii iyo siyaasaadkii.

-Dejinta barnaamijka shaqo-abuurista iyo hal-abuurka dhallinyarada

-Sameynta habka darajeynta jaamacadaha

-Xoojinta wakiillada dhallinyarada ee howlaha shibil, siyaaso iyo dowladeed eek u aadan heerarka deegaaneed iyo gobaleed.

-Magacaabid labo la-taliye oo dhallinyaro ah ee xafiiska Madaxweynaha;

-Hoos-u-soodhigga da’da xadka qofka xafiis-siyaasadeed loo dooranayo lagana dhigo 18.

-Islameel-dhigidda Beertii Qaran ee ugu horreysey ee Soomaaliya oo ah hindise ay dhallinyaradu hagto si loo ilaaliyo mustaqbalka bey’adda soomaaliyeed loona abuuro fursado dalxiis mustaqbalka.

-Shaqo abuurka kalluumeysiga iyo maamulka habka nolosha-badeed ee sii jiri karta ee dhallinyarada bulshooyinka xeebaha deggan ee horey ugu tiirsanaa nolol ka soo gasha burcad-badeednimo.

-Taageeridda dhisidda Guddiga Filimada Soomaaliyeed.

-Sare-u-qaadidda fursadaha lagu gaarayo adeegsiga fibre optics iyo 3G ee Soomaaliya

-Shir-Madaxeedka US-Africa (4-6 August 2014) ee uu marti galiyey Madaxweyne Obama, waa dhacdadii ugu ballaarneyd ee uu Madaxweyne Mareykan ah weligii u qabto madaxda Afrika. Ujeedkiisuna waa xoojinta xiriirka u dhaxeeya Afrika iyo mareykanka. Shir-Madaxeedku waxa uu diiradda saarayaa ganacsiga, maalgashiga, nabadgalyada iyo hurumarka dimoqraadiyeed..

“Mareykanku waxa uu ka mid yahay saaxiibada ugu muhiimsan ee horumarka Soomaaliya. Shir-Madaxeedkan ee uu hal-heyskiisu yahay “ Maalgalinta Jiilka Soo Socda” waxa uu ka turjumayaa nuxurka shaqada iyo masuuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  Dhowrka maalmood ee la soo socda, Wafdiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed waxa ay munaaqashood la yeelan doontaa Saaxiibadooda Mareykanka si ay isula arkaan hababka lagu dararin karo maalgashiga iyo kobaca Soomaaliya si loo furfuro fursadaha, si wanaagsanna la isugu xiro Soomaaliya iyo Mareykanka iyada oo la abuurayo bey’ad wax-tar u leh jiilka Soomaaliyeed ee soo socda’ ayuu Madaxweynuhu ku soo gebagabeeyey.