U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta Ku Wajahan Dalka Masar

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Masar, kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalkaas Abdel Fattah Al-Sisi, taas oo Xasan Shiikh soo gaartay munaasabaddii caleemo saarkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa  inta uu ku sugan yahay dalka Masar inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa dalkaas, isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka dowladda Masar ay la leedahay Soomaaliya iyo sare u qaadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed caafimaadka iyo waxbarashada.

Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 15-kii Mar 2022 ayaa safarro waxaa uu ku kala bixiyay dalalka Imaaradka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Tanzania uu kaga qeyb galay shirka dalalka ku bohoobay dalladda bulshada Bariga Afrika oo lagu wado in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto oo ay codsatay.

Madaxweyne Xasan ayaa muddadii gaabneyd uu talada haayay waxaa uu ku guuleystay inuu wanaajiyo xiriirka dowladdiisa kala dhaxeysa dowladaha Imaaaraad iyo Kenya, isaga lasoo sixiixday heshiisyo, waxaana uu horay u sheegay Xasan Shiikh in uu doonayo Soomaali heshiis ah dunidane la heshiis ah.

Goobjoog News