U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay La-Taliyeyaal Cusub

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka dalka, waxaana loo magacabay laba mas’uul oo madaxweynah kala talin doona Dastuurka iyo Federalka.
1.Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Arrimaha Dastuurka, oo ku jira xaalad qabyo qoral ah lagana sugaayo in dowladiisa ay dhameystirto.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed ayaa loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ee Arrimaha Federaalka, taas oo madaxweyne Xasan Baarlamaanka kahor ballan qaaday inuu daadejindoono ilaa heer degmo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la magacaabay waxaa uu Alle uga baryey  in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
Goobjoog News