U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore ee Kenya oo Geeriyooday

Sheeko:Caalamka

Madaxweynihii hore dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday sida ay shaacisay madaxtooyada dalkaas iyadoo laga soo xigtay madaxweynha talada haya Uhuru Kenyatta.

 Kibaki  ayaa geeriyooday isaga oo  90 jir, wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya tan iyo markii uu xornimada ka  qaatay dalka Ingiriiska.

Madaxweyhihii hore ee dalkaas ayaa waxaa la sheegaa inuu dhowaad 44 sano uu ku jiray hannaanka dowladnimada, wuxuuna xilka hayay snadihii 2002- 2012-kii.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in dalka uu gali doono marxalad Baroor diiq ah inta laga aasayo Kibaki, waxaana uu carabka ku dhuftay in calanka dalka hoos loo dhigi doono.

Goobjoog News