U bood dhigaalka

Madaxweynihii Iran Rafsanjani Oo Geeriyoodey, Taariikhdiisa

Sheeko:Caalamka

Waxaa Isbitaal ku yaallo magaalada Tehran xalay ku geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka  Iran Cali Haashimi Rafsanjani, kaas oo in muddo ah xanuunsanaa.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa waxaa ay sheegeen iney dadaal ku bixiyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen madaxweynihii hore Iran balse uu geeriyooday .

Wakaaladda wararaka ee wadanka Iran IRINN News,  waxaa ay sheegtey in Rafsanjani uu geeriyoodey kadib markii uu soo qaatey nolol fiican, xaqiijiyana  ahdaafta Islaamka.

Madaxweyne Haashimi ayaa waxa uu dhashay  25-tii Agoust 1934-tii, waxaa uu ku dhashay koonfurta wadanka Iran,  Rafsanjani waxaa uu ka soo jeedaa qoys hantiilo ah.

Mr. Haashimi  waxaa uu ku geeriyoodey da’da 82 sano jir, waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay magaalada Qama isagoo bartey culuumta diiniga ah ka hor inta uusan u xuub siibadan siyaasadda sanadkii  1963.

Cali Haashimi Rafsanjani, waxaa uu labo jeer uu soo qabatay xilka golaha baarlamaanka wadanka Iran  ilaa uu ka geeriyooday madaxweynihii dalka Iran  Khumeyni sanadkii 1989kii.

Waxa uu noqday sanadkii 1989kii madaxweynaha dalka Iran markaas oo ay ahayd markii uu dhamaaday dagaalkii u dhaxeeyay Ciraaq iyo Iran, isaga oo bilaabay dadaalo dib loogu habeynaayo waxyaabihii ay burburiyeen dagaaladii iyo inuu soo celiyo  xariirkii ka dhaxeeyay Iran iyo dowladaha Carabta.

Goobjoog News