U bood dhigaalka

Magacyada Musharraxiinta HOP#058 oo La Shaaciyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa Shahaadada Musharraxnimada guddoonsiiyey musharraxiinta u tartamaysa kursiga tirsigiisu yahay HOP#058, waxaana ku tartami doona musharraxiin gaaraya ilaa Todoba,  waxaana ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

1:Cabdullaahi Maxamed Axmed Sanbaloolshe agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

2: Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble

4: Ubax Cali Sheegow

5:Cabduqaadir Xuseen Colow

6:Maxamuud Afdhub Makaran

7: Cabdullaahi Axmed Xuseen.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo HOP#058 ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay inuu isaga haray tartanka loogu jiro kursigaan oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baladweyne, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku yiri.

“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda. Sidoo kale waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda .Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas”

Goobjoog News