U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Mursal Waxaa uu Wadaa Muddo Kordhin…Berrina Waan Tageynaa Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno 15 ah, oo xalay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal oo ka mamnuucay kulamada muddo 5 kulan ah oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu sharaciga ku tuntay, muddo kordhinna u durbaan tummayo iyaga oo balanqaaday iney berri golaha tagayaan, wixii ka dhacana uu mas’uuliyadeeda leeyahay Mursal.

Xildhibaan Mahad Salaad oo akhriyey qoraalka waxaa uu sheegay in la keenay ciidan dhar cad oo ka baxsan booliiska uu ahaa golaha isaga oo intaa raaciyey in guddoomiye Maxamed Mursal u tageen iyaga oo wax ka weydiiyey (1) Ajendaha aan habraaca waafaqsaneyn sababta uu ku yimid (2) Ciidanka dhar cadda ah (3). Muddo kordhinta.

Xildhibaan Mahad Salaad  oo arrintaas ka hadlaya ‘‘ Guddoomiyaha nagalama xishoon si aan gambasho laheyn waxaa uu noogu sheegay (1) Ciidamada meesha jooga in isagu uu dalbaday, haddana uu soo badsanayo, (2). Waxaa uu noo sheegay in heshiiskii 17-kii September ee doorashada dadban lagu jideeyey inuu fashilmay (3). Inuu sameyn doono muddo kordhin madaxweynaha iyo baarlamaanka loo sameynayo.

Dhanka kale, warqadda uu Mursal ku sheegay in 15 xildhibaan kulamada uga joojiyey ayuu sheegay inuu meel uga dhacay sharciga  isaga oo yiri ‘‘ (1). Ma jirto wax sharci ah uu u cuskaday, (1). Ma jirto sharci fasaxaya in guddoomiyaha soo saaro go’aan noocaan oo kale ah (3). Waxaa uu meel uga dhacay xeer hoosaadka golaha shacabka. Awoodda keliya ee guddoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa midda ku cad qodobka 16-aad, faqradiisa ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee si cad u qeexaya haddii ay jirto fowdo ama nidaam darro, guddoomiyihu waxaa uu xeri karaa fadhiyada, waxaa uuna ajendaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga, sidoo kale Mursal waxaa uu ku xadgudbay qodobka  25-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka,  xadeynaya ajendaha golaha shacabk,  guddiga joogtada ayaa diyaariya ajendaha, sidoo kale waxaa uu Mursal ku tuntay qodobka 14-aad ee si cad u qeexaya inuu  mas’uul ka yahay fulinta iyo dhowrista xeer hoosaadka iyo ilaainta golaha shacabka, sidoo kale Mursal waxaa uu ku tuntay qodobka 4-aad faqradiisa 2aad ee xeer hoosaadka eek a mamnuucaya in dhismaha golaha lala soo galo hub isaga oo maleeshiyaad dhar cad ku soo daabulay xarunta golaha.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlayey ninka ciidanka watay waxaa uu sheegay inuu ahaa magaciisa Shakiib oo shabaab horay u ahaan jiray kaas oo isaga oo dagaalamaya oo dhaawac ah laga soo qabtay suuqa bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhexe, kadibna waxaa loo sii gudbiyey Sarendi oo lagu xiro dambiileyaasha iska soo dhiibo Shabaab, halkaas ayaa laga soo saaray kadibna waxaa loo qaaday inuu ka mid noqdo ciidamada nabad sugidda, waxaa Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta ah lagu laayo, waxaa uuna si toos ah ugu xiran yahay taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin, waxaa uuna u qaabilsan yahay hawlgallada khaaska ah, waa markii 2-aad ee isaga iyo ciidamada uu wato la keeno golaha.

Ugu dambeyntii, Mahad Salaad ayaa sheegay in berri ay tagi doonaan kulanka golaha iyaga oo wixii dhaca mas’uuliyadeeda dusha ka saaray Mursal.

Goobjoog News