U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Sharciga Batroolka  Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Mana Waafaqsana Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Maxamed Saalad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka dhawaajiyay in sharciga batroolka ee uu saxiixay madaxweynaha uu yahay mid aan soo marin habraaca sharci dajinta islamarkaana uusan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Xildhibaanka ayaa arrintan waxa uu ku sababeeyay qodobada qaar ee dastuurka uu dhigayo kuwaas oo ka hor imaanaya sharcigan la saxiixay, waxa uuna xildhibaan Mahad tilmaamay in mudanayaasha aqalka sare ay xeerkani ku soo ansixiyeen 24-xildhibaan taas oo ka hor imaanaysa qododbka 76-aad ee dastuurka oo sheegaya in golaha aqalka sare ay xeer ku meel marin karaan 28-mudane.

Sidoo kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa madaxweynha iyo gudoonka aqalka sare waxa uu ugu baaqay in sharciga batroolka dib loogu soo celi golaha aqalka sare si buu yiri loo marsiiyo habraaca sharci dejinta.

Sharciga batroolka dalka ayaa shalay waxaa qalinka ku duugay madaxweynha Soomaaliya, waxaana sharcigan ka tagaan khilaaf.

Halkan ka akhriso bayaanka uu soo saaray xildhibaan Mahad

Goobjoog News