U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Wiilasha ilaalada ahaa ee Guddoomiyaha La socday ayaa Baarlamaanka lagu Qabsaday waxaa ay Doonayaan in ay ku marin Habaabiyaan Umadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ciidamada Danab ee ay Mareykanka tababareen iyo ciidamada koofiyo casta ee madaxtooyada la keenay xarunta golaha shacabka, oo lagu qabsaday ee aaney aheyn kuwa ilaalada u ah guddoomiye Maxamed Sheekh Jawaari, isaga arrintaas uu ku tilmaamay wax laga xumaado oo sharci-darro ah.

Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri“Baarlamaanka marka aan nimid waxaa ugu nimid ciidan aan ka yareyn 2 boqol oo booliis iyo nabad sugid isugu jira, oo sawirradooda la hayo oo gudaha baarlamaanka ku sugan, waxaa kale oo ay heynaa ciidamadii koofiyo gaduudda oo madaxtooyada laheyd.. weeye waxa xarunta baarlamaanka lagu qabsaday”

Xildhibaan Mahad waxaa uu iska fogeeyay in Xildhibaannada ciidamo la socdeen “ciidamo nala socday lama arko, guryaha ayaa nalooga soo reebay, guddoomiyaha wax la socdo lama arko, wiilasha satafka ahaa ee la socday  ayaa baarlamaanka lagu qabsaday waxaa ay doonayaan in ay ku marin habaabiyaan umadda Soomaaliyeed

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu soo jeediyay in sanduuqa lagu kala baxo” Xarunta baarlamaanka cidda albaabada xiratay waa amniga, Mooshinka waa in nidaam maro, oo sanduuq la dhigo, Jawaari haddii uu sharci ku dhaco waxba kama qabno, dalkan waxaa lagu wada joogaa nidaam noo qoron”.

Goobjoog News