U bood dhigaalka

Malala Yousufzai oo ku guuleysatay Bilada Nobel Peace Price

Sheeko:Caalamka
Bidix:Malala Yousfzai  iyo Kalaash Satiya
Bidix:Malala Yousfzai iyo Kalaash Satiya

Gabadha u dhalatay dalka Pakistan ee Malal Yousufzai oo ah qof u dooda waxbarashada gabdhaha iyo Nin u dhashay dalka India oo lagu magacaabo Kalaash Satiya ayaa si wadajir ah sanadkan ugu guuleystay billada nabada ee caanka ah ee [Nobel Peace Price].

Malala oo 17 jir ah waa qofkii ugu d’a yaraa ee abaalgudkan la guddoonsiiyo.

Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada gabdhaha.
Labadan qof ayaa kasoo kala jeeda dalalka jaarka ah ee Pakistan iyo India, waxaana lagu dhawaaqay biladan maanta oo Jimce ah.