U bood dhigaalka

Maqaal: Burburinta Ciidamada Kenya Ee Biraha Hormuud

Sheeko:War

Ka waran haddii shirkada Apple ee dalka Maraykan laga leeyahay warashadaha ay telephoonada  iyo electronics ku samayso ay  dowladda kale burburiso ama ka warran haddii Shirkadda Safricom ee dalka Kenya laga leeyahay ay Ciidmada Tanzania burburiyaan? Maxaa dhici lahaa?!

Adduunka mar kale laga tago hay’adaha dowliga ah waxaa ugu qaalisan shirkadaha waaweyn ee dadbadan shaqaalaysiiya, dhaqaala badana lagu canshuuro; Waana waajib qaran in la ilaaliyo.

Hadda, dalka Shiinaha iyo Canada meel xun ayay kakala maraysaa,  kadib markii ay Kanada xirtay gabadha qaybta Maaliyadda ee Shirkada Huawei madaxda ka ah (chief finance officer) isbuucyo ka hor; Maanta dowladda Shiinaha nin Kanada u dhashay ayay dil ku xukuntay ayada oo ku xumaynaysa kanada.

Shalay Ciidamada Kenya waxay burburiyeen biraha warlaliska ee Shirkada Hormuud Telecom meel u dhow Degmada Afmadow ee Jubbada Hoose. Sidoo kale, waxy jirdh dil ku sameeyeen xubin katirsan shaqalaaha shirkada ee halkaas joogay.

Ilaa hadda mamaqashay wasaaradihii ay khusaysay ee arimaha gudaha iyo arimaha dibadda ama madaxdii sare ee dalka oo ka hadlaysa?

Miyaad maqashay guutooyinka wadaniyiinta ee laga howlgaliyo baraha bulshda oo arintan ka hadlaya?

Miyaad maqashay wasiirada iyo kuxigeenada  aad baraha bulshda wax ugu qora  oo ka hadlaya?

Maanta  dalkeena (Soomaaliya) asaga 30sano dowlad la’aan ahaa ayaa haddana wuxuu ka fiicanyahay wadamo badan oo African ah dhinica isgaarsiinta iyo Internetka. Waxaa tusaale fiican kuu ah Itoobiya iyo Djaboutiga aan dariska nahay.

In aad Internet fiican iyo telephone raqiis ah haysatid waxaa kuu suurta galiyay shirkado Soomaaliyeed oo xilli ninkasta lacagtiisa kala cabsanayay dalkan khatar u bareeray maanta guul kagaaray.

Kumanaan qof ayaa maanta shirkada Hormuud u shaqaysaa, waxay noo suurtagalisay in aan aduunka ku xirnaano si fududna u ganacsano.

Haddii aad dareemayso ama aad ugtahay khaladaad ay shirkada Hormuud samaysay si kastaba ha ku dhacdee ma ah khalad ay shirkado leedahay ee waa khalad dowlo.

Maxaa yeelay, shirkadaha waaweyn ee dalalka dunida ka jira waxaa lagu ilaaliyaa, la iskagana ilaaliyaa xeerar iyo shaciyaal  (Rules and regulations)dowladi u dajisay.

Taasni wax adag ma ah ee mar alle markii ay dowladd shuruuc samaynkarta, dabaqi kartana la helo waa sahlantahay.

Dowladda Kenya waxay shirkada Hormuud ku hayso waxaa ka dhalan kara dagaal laba dal dhex mara. Waan ka xamuhay in maanta Soomaaliya cudud iyo dareen qaran midna  uusan ka jirin.

W/Q:  Ahmed Abdiahdi,

Freelance Journlist and Political commentator.

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir [email protected]
Goobjoog News