U bood dhigaalka

Maqaal: Galmudug Khilaafkii La Haray Khibrad Haka Barato

Sheeko:War

Maamulka Galmudug waa maamulka labaad ee ugu cusub dhammaan maamulada dalka ka jira waa markii laga hadlaayo inta sano ay jirsadeen, maamulka Hirshabeelle kaliya ayaa ka dambeeyay, dhanka kale maamulka Galmudug waa maamulka ugu badan tirada qabaa’ilka daga waa illaa iyo 11 qabiil waxayna dhammaan wada dagaan Mudug iyo Galgaduud.

Dhul ahaan deegaanada Galmudug waa hal gobol iyo bar, gobolka Galgaduud oo dhammaystiran iyo gobolka Mudug oo laba degmo iyo bar ah (Xaradheere iyo hobyo iyo qayb Galkacyo ah) inkastoo lagu murmay sharci ahaanta maamulkaas laakiin dowladdii xilligaas jirtay ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud waxay u aqoonsatay maamul goboleed dhamays tiran.

Laga soo billaabo markii la doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed Sanadkii 2015 illaa xilligaan wax horumar ah oo la taaban karo oo uu maamulkaas gaaray mar jiraan waxaana loo sababayn karaa laba arrimood oo is biirsaday midkoodba hasii xoog badnaadee, labada arrin ee la haray Galmudug waa khilaaf maamulka dhexdiisa ah ama mid kala dhexeeya dowladda dhexe iyo qarash la’aan soo wajahday maamulka maadaama uusan haysan meel daqli ku filan uu kasoo galo.

Khilaafka:

Laga soo billaaob markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in doorasha Galmudug qabsoomi doonto uuna sheegay in caasimadda maamulka iyo xarunta doorashadu noqonayaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud waxaa billawday Khilaaf soo kala dhex galay maamulka Ahlusunna oo saldhiggiisu ahaa magaalada  Dhuusamareeb.

Muranka ugu badnaa waxa uu ka jiray maamulka Ahlusunna oo dowladda ku xiray shuruudo badan oo dowladda ku adkaaday inay fuliso, maadaama Ahlusuuna ay dagaalo badan la gashay Alshabaab ugu dambeyna ay ku guuleysatay inay ka saarto Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay dowladda soo hordhigtay shardi ahaa in ay celiso qarashaadkii ku baxay dagaalkii ay la gashay Alshabaab,  laakiin lacagtaas dowladdu waa ka dhaga adaygtay inay bixiso lacagtaa waana salka khilaafka dowladda iyo Ahlusunna meesha uu ka bilowday.

Kulamo badan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa la isku dayay in kooxda Ahlusuuna lagu qanciyo inay ka qaybgasho kulamada ka dhacaya magaalada Cadaado laakiin waxay ku adkeysteen inaysan ka qayb gali doonin shirkaas waxayna si gooni ah ugu dhawaaqeen maamul kale oo fadhigiisu noqon doono  magaalada Dhuusamareeb.

Ayadoo Ahlusunna ay maqan tahay ayaa loo dareeray doorashada madaxweynenimo ee Galmudug, inkastoo ay kasoo qayb galeen musharixiin kasoo jeeda Guriceel iyo dhuusamareeb oo laga yaabi lahaa inay sabab u noqdaan soo caro celinta kooxda Ahlusunna haddana kuma aysan guulaysan xilka ugu sareeya ee maamulkaas

Laga billaabo 4ta Luulyo 2015 oo ahayd maalintii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku guuleystay madaxweynaha waxaa kala xirmay waddo kasta oo ay kusoo dhawaan lahaayeen ahlusunna maddaama hammi uga jiray sidii ay hogaanka maamulka u noqon lahaayeen.

Intii kala xirnaantaas jirtay waqti dheer ayaa lasoo gudbay wali maamulkii Galmudug waxaa caasimad ku-meelgaar ah u ah magaalada Cadaado, waxaa billaabatay soo xulistii xildhibaanadii ka mid noqon lahaa Federaalka dhamaan reer Galmudugna waxay isugu tageen Cadaado waxaana soo dhamaatay doorashii xildhibaanada inkastoo musuq badan iyo wax is dabamarin badan ay meesha ka dhacday. Xaaf waxaa uu u tartamay xildhibaannimo, markii uu waayey waxaa uu raadiyey kursiga madaxweynaha Galmudug

Waxaa dhawr mar magaalada Cadaado lagu qabtay shirar ay yeelanayeen xildhibaanada maamulka oo ay uga soo horjeedeen madaxweynihii xilligaas Cabdikariim Xuseen una muuqday shirar gadaal laga xiiraayay, ugu dambeyn waxaa mooshin laga keenay madaxweyne Guuleed.  Janaayo 2017 ayaana codka kalsoonida loo qaaday oo 53 xildhibaan oo kulanka kasoo qayb qalay ay sheegeen inayn kala laabteen kalsoonida sidaasna uu ku dhacay madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed

Cabdikariin Xuseen ayaa lagu eedeeyay inuu maamulka habsaamiyay oo ussan wax qabad la imaan muddadii uu madaxweynaha ahaa waxaa sidoo lagu eedeeyay in uu saldhig ka dhigtay magaalada Muqdisho halkii la rabay inuu ku shaqeeyo deegaanna ka dhigto magaalada Cadaado, Cabdikariin Xuseen markii hore waa diiday codka baarlamaanka  ee kalsooni kala noqoshada laakiin bishii Febraayo ayuu ku dhawaaqay inuu is casilay sababo la xariira caafimaadkiisa,

Maarso 2017 isla baarlamaankii ayaa doortay Xaaf oo markii hore xil ka qaadista Cabdikariim soo abaabulay, doorashiisii kadib Madaxweyne Xaaf wuxuu billaabay inuu shaqeeyo sidii maamulkiisa u raadin lahaa Ahlusunna oo heshiis ula gali lahaa waxaana billowday in loo kala dabqaado maamulkiisa iyo kii Ahlusunna oo ugu dambeyn waxay heshiis kusoo kala saxiixdeen dalka Jabuuti kadibna waxaa lagu casuumay magaalada Muqdisho si heshiiska loo dhamaystiro kulankaasna waxaa goobjoog ka  ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Heshiiskaas hadduu dhacay oo la is fahmay waxaa lagu qasban yahay in markaan loosoo guuro magaalada Dhuusamareeb oo markii hore looga maqnaa is faham waa’ga ka dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna laakiin soo guuridda maamulka wuxuu keenay caqabad kale oo reer caado iyo maamulkii galmudug ayaa khilaaf soo kala dhex galay, laba arin oo ugu weynayd waxay ahayd in ballanqaadyada Ahlusunna loo sameeyay ay ahaayeen ka badbadis iyo in caasimadda dhuusamaeeb loo wareejiyo tashi la’aan.

Khilaafka cadaado wuxuu majaha dhooqo u galiyay Galmudug oo markii hore aan waxqabad lahayn laakiin ka talinaysay dhul ballaaran madaxweyne Xaaf waxaa loo diiday in Cadaado uu  tago ama xataa safar kusoo maro, Xaafna wuxuu toos isugu dhiibay Ahlusunna oo saldhig ayuu Dhuusamareeb ka dhigtay in kastoo marmar safar circa ah uu Gaalkacyo ku tagaayay,

Khilaafkii waa sii xoogeystay waxaa laba u kala jabay Baarlamaankii, Wasiiraddii iyo madaxdii sare ee dowladda, kulamo ka kala dhacay Cadaado iyo Dhuusamareeb waxaa la sheegay in xilka laga qaaday Xaaf iyo kuwo kale oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Gacal Casir ama madaxweyne ku xigeenka Carabeey xilka looga qaaday in kastoo dowladda lagu eedeeyay inay qilaafka sii hurisay haddana madaxdu marna uma bisleyn inay tanaasul sameeyaan.

Hadda waxaa la joogaa Dhuusamareeb Khilaafkii soo jiitamaayay wuxuu ka dhex taagan yahay Ahlusunna iyo madaxweyne Xaaf, wasiirka arimaha gudaha oo dhuusamareeb tagay ayaa Ahlusunna la kulmay wada hadalna la galay madaxda ugu sareysa Ahlusunna, isfahamkaasna wuxuu nabar ku noqday madaxweyhe Xaaf.

Madaxweyne Xaaf oo ka carooday in Ahlusunna ay dhinac orodo heshiisyana ay dowladda la gasho ayaa isaga soo tagay magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku laabtay magaalada cadaado oo markii hore u ahayd xaruntiisa ku-meelgaarka ah kahor intuusan dhuusamareeb usoo wareegin.

Xaaf waxa uu soo saaray warqad uu ku sheegay in maamulkiisu ogol yahay doorasho iyo inuu soo afjarmay khilaafkii kala dhexeeyay dowladda dhexe, wuxuuna ku baaqay in doorashadu ay ka dhacdo cadaado maadaama aan la isku halayn karin Dhuusamareeb iyo Ahlusunna oo heshiiskii uu la galay uu burburay.

Warqad kale oo ay soo saartay wasaaradda arimaha gudaha waxay sheegeen in doorashada Galmudug lagu qaban doono magaalada dhuusamareeb. Haddii Cadaado doorashada loo aado waxaa la weyn doonaa ahlusunna haddiise dhuusamareeb lagu qabto waxaa meeshaas isugu imaan doona Ahlusunna oo kaliya maadaama reer Cadado iyo Xaafba aysan soo socon.

Gunaanad

Ayadoo aan la isku keenin Ahlusunna iyo Xaaf oo doorasho loo dhan yahay aan la qaban haddii doorasho dhacdo Khilaaf waji cusub leh ayaa soo siyaadi doona maahane maamul Galmudug oo dhan ka shaqeeya kama soo bixi karon, waxaana dib usoo laaban doona kala go’ii Ahlusunna iyo Galmudug.

Waxaa ii muuqata in xaaladdu hadda joogto meel wax laga qaban karo maadaama Ahlusunna iyo Xaaf labaduba ogol yihiin doorasho laakiin meeshii lagu qaban lahaa kaliya muranku ka jiro, dowladda dhexe kaalinteeda hadda ayaa loo baahan yahay, haddii ay si masuuliyad ku jirto u wajahaan arrinta oo dhexdhexaadnimo iyo masuuliyad iska saaraan xal waara ayaa loo heli karaa laakiin haddii ay noqoto doorasho un qabta madaxweyne maqaar saar ah waa la dooran doonaa laakiin maamul shaqeeya kasoo bixi mayo

Galmudug waxay haysataa inay laba kala doorato, waa mide inay meel isugu yimaadaan oo heshiis wada gaaraan maamul loo dhan yahayna soo dhistaan ama inay sidii horeba ay u ahaayeen madaxweyne feer iyo faralaab ah doortaan khilaaf iyo qoqobnaanna ku jiraan

W/Q: Maxamed Deeq Taako

[email protected]

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]