U bood dhigaalka

Maqaal: Isdhexgalka Dhaqaale Ee Geeska Afrika: Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya

Sheeko:War

Ka hor 1980s, xiriirka dalalka geeska Afrika wuxuu ahaa mid ku dhisan  caqliyad cadowtooyo (siege mentality), laakiin qorshaha isdhexgalka dhaqaale oo ah mid soo bilowday 1986, markii la aasaasay ururka IGAD,
wuxuu abuuray yididdiilo ku aaddan wadashaqayn. Markiisii hore, wuxuu ahaa qorshe ku kooban ilaalinta deegaanka iyo amniga laakiin hadda dalalka geeska Afrika waxay mashquul ku yihiin kobac dhaqaale,
isdhexgal siyaasad, bulsho iyo dhaqan.

ITOOBIYA:
Waxaa ku dhacay isbeddel xoog leh. Waxaa ka dhacay wax Miriam Abraham ugu yeertay furfurnaansho siyaasi (Glasnost) iyo dibuhabayn dhaqaale (perestroika), laakiin aan u arko in ay tahay mid dhalanteed ah.

Isbeddelkaas waxaa socodsiiyay RW Abiy Ahmed, oo ah nin dhallinyar oo ka soojeeda qowmiyadda Oromo. Waa nin u oomman in uu taariikh sameeyo. Si kale u dhig, in uu wax ka beddelo taariikhda siyaasiga Itoobiya oo markii hore ku socotay waddo Tigreeygu jeexay. Sidaa waxaa ku dooday Mohamed Girma, oo wax ka qora arrimaha Itoobiya.
Isbeddelada la yaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mida dibusoocelinta xiriirka diblomaasi ee Eritrea iyo Ethiopia. Hadda wuxuu ka shaqaynayaa suurtaggalnimada in dalalka geeska Afrika yeeshaan hal
suuq si loo helo isdhexgal dhaqaale.

Itoobiya, shacab ahaan dalalka gobolka waxay ka tahay boqolkiiba afartan (40%). Saddex meelood meel ka mida dhulka gobolka waa dhulkeeda. Waxay xudduud la leedahay dhammaan dalalka gobolka marka laga reebo Ugaandha. Dhaqaalaheeda sanadkiiba wuxuu kordhaa boqolkiiba saddeed, waa dalka ugu kobac dhaqaale badan ee Afrika. Waxay u baahi qabtaa suuqyada iyo dekedaha dalalka deriska si ay uga faa’iideysato shidaalkeeda cusub.

ERITREA:
Waxay ka mid tahay dalalka farakutiriska ah ee la haysta isbeddelada ka socda geeska Afrika. Waa dal inta laga qayliyay siyaasaddiisa gudaha lagu metelay in uu la mid yahay waqooyi kuuriya. Laakiin sanadyadii dambe, wuxuu ka faa’ideystay fursado diblomaasi ah oo uu ka helay Sucuudiga, Imaaraadka iyo Maraykanka. Wuxuu kaga baxay
go’doonkii saarnaa ee hubka iyo dhaqaalaha. Hadda wuxuu qayb ka yahay qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika. Wuxuu rabaa in uu uga faa’ideysto dekedahiisa oo ah kuwa u dhow marinka baabul mandal iyo
kursi badbaadin (regime survival).

SOOMAALIYA:
Waxay muhiim u tahay qorshe walba oo ku aaddan geeska Afrika. Iyada oo sidaas ah, haddana waa dalka keli ee aan u diyaarsanayn ciyaarta gobolka, wuxuu madaxa kula jiraa kadeed siyaasi gudaha ah. Waa dal gudahiisa maaro u waayey maxaa ka galay dibadda? Maqaal hore ee aan qoray waxaan ku sheegay in uu dhex maquurtay fashil laba dhinac ah marka ay timaaddo ka faa’ideysiga isbeddelka ka socda gobolka. Isdhexgal dhaqaale ka hor, Soomaaliya waa in ay isweyddiisaa maxay tahay maslaxadda qaran ee iigu jirta? Ma u diyaarsannahay? Isdhexgalkan dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu soosaari doonaa guulaystayaal iyo guuldarroolayaal. Waxaan ku doodayaa in Soomaaliya ay ku fashilmi doonto ka dheefsiga isdhexgalka dhaqaale maadaama uu jiro ifafaale siyaasadeed bulsho oo muujinaya habacsanaan dhan walba ah: Dhaqaale, siyaasad amni iwm.

ISDHEXGALKA DHAQAALE: Muxuu keeni karaa?

Geeska Afrika, sanado badan wuxuu caan ku ahaa sheeko hal dhinac ah: faqri, abaar, colaad sokeeye, burcadbadayd, argagaxiso iwm laakiin qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee dalalka geeska Afrika wuxuu dhalin karaa sheeko cusub: nabad, baraare dhaqaale, maalgalin iwm. Isdhexgal dhaqaale wuxuu keeni karaa horusocod dhaqaale oo xoog badan
sida maalgalin dibadda ah, shaqo abuur, socodsiinta waxsoosaarka warshadaha iwm. Wuxuu ku habboon yahay abuur ganacsi (trade creation).

Helidda rabitaan siyaasi dhab ah waxay suurtaggalinaysaa in dalalka geeska Afrika ay ka faa’ideystaan fursadahaas kor ku xusan iyaga oo isku tixgelinaya maslaxadda guud.

Ugu dambayn, isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu macaash dhaqaale u noqon doonaa boqolka milyan ee Itoobiya.

WQ: Hassan Mudane
Lafogure Arrimaha Afrika

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir [email protected]