MAQAAL: MACALLIN, HABKA AAD WAX U WADDO MA CADDA

Hadalkaas waxaa igu dhahay laba fasal oo ka mida fasalada laba jaamacad. Waan ka fikiray ilaa aan ku sig tay in aan beddelo habka barasho ee aan ku socday, kaas oo ahaa mid ku dhisan hab-barasho buuggayd (Textbook-based Approach), laakiin la socday bawarboonti (Powerpoint). Yacni nuxurka  utubka wuxuu ardayga ka helayaa bawarboontiga laakiin wixii faahfaahin ah wuxuu ugu tegayaa buugga.

Sidaas darteed, waa in uu akhriyaa, iskuna haleeyaa buugga. Yuusan isku koobin islaadhyada (Slides). Faa’iidada ugu weyn ee aan ka dhex arkay habkaas waa in ardayga lagu dhiirriggeliyo abuurista dhaqan akhris (reading culture).

Isbuucii afaraad aniga oo ka soo baxay fasal ka mida fasaladii ka cabanaayay habka aan wax u waday ayaa waxaan ku dul kufay maqaal uu qoray Paul Ralph. Maqaalkiisa waxaan ku dhex arkay hadalkan:

“Macallinka wanaagsan ee ardayda u bandhiga casharo maanxujays ah [ee ardayga ku qasba in uu wax badan akhriyo] waxaa lagu dhaliilaa habka uu wax u wado.”  Tani waxay igu beertay kalsooni, balse ma hilmaamin cabashadii ardayda. Ugu yaraan waxaan ku dadaalay in aan meel dhexe isugu imaano, aniga oo aan ka oggolaan codsiga ah macallin naga dhaaf buugga, keli nuxurka (Main points) noogu soo koob bawarboonti, weyddimaha imtixaankana halkaas inooga keen. Yacni akhris ma jiro.

Isla isbuucaa gudahiisa waxaan kaloo akhriyay maqaal uu qoray Prof. Bent Meier Sørensen. Wuxuu ku andacooday in jaamacadaha laga mamnooco bawarboontiga (Powerpoint) ay macallimiinta casharada ku siiyaan ardayda. Wuxuu yiri “Bawarboontiga wuxuu ardayga ka dhigaa maangaab.” Sax, taasi waan ku raacsannahay laakiin waxaan ku diiday in guud-ahaan bawarboontiga meesha laga saaro. Maqaalka, waxaan la wadaagay fasalka UNI117-Writing in Political Science. Si fiican oo qurux badan ayay uga faalloodayn, intooda badan waxay isku raacayn in bawarboontiga muhiim yahay, laakiin loo baahan yahay in uu la socdo buug (Textbook). Ka warran haddii macallinka iyo ardayda, labaduba ay isku haleeyaan islaadh un balse uusan jirin buug tixraac u ah maaddada, sow kama dhigayso ardayga maankucaajisle?

Wuxuu kaloo qoraaga maqaalka tilmaamay in jaamacadaha laftirkooda ay qayb ka yihiin dhibka, wuxuu yiri “Jaamacadaha waxay ardayda ku qiimeeyaan qanacsanaantiisa laakiin xoogga ma saaraan waxa uu baranayo.”

EESHA TABAN EE BAWARBOONTIGA

Ardayga oo aan akhrin buuggaagta laakiin isku haleeya keli qodobada ku qoran islaadhyada. Wuxuu hoos u dhigaa xis-naqdineedka (Critical thinking), lafogurid-tabeedka (analytical skill) iyo fahamka ardayga.

Wuxuu ardayga ka dhigaa maankucaajisle isku haysta in uu wax bartay,  Wuxuu dilaa hadafka waxbarashada ardayga, waayo ardaygu wuxuu iska dhaadhiciyaa in hadafku yahay keli ku baas imtixaanka.

Inta kor ku xusan iyo in ka badan waxay caqabad ku yihiin horumarinta dhaqan akhris, xis-naqdineedka ardayga, fahan qotodheer, iyo tayada waxbarasho.

WQ: Hassan Mudane

Lafoguri Arrimaha Afrika

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW