Maqaal: Xiriirka Dhaqaalle Ee Shiinaha Iyo Afrika

Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan.

Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

SHIINAHA: Saaxiib kal furan

Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus).

Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku
noqotay dabin deyn.

KADEED DEYN

Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa  lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay
dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee
World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn.

Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000
kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya.

Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha.

Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn.
Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha.

DALALKA GOBOLKA

Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182
milyan.

Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm.

Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin
badan.

WQ: Hassan Mudane
Lafogure Arrimaha Afrika

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW