U bood dhigaalka

Maraykanka oo Ruushku ku Eedeeyay inuu Galay Dambiyo Dagaal

Sheeko:Caalamka

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalkaas haweenayda lagu magacaabo  Kamala Harris.

Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge , waxaana eedeyntaan ay imaanaysaa xilli wali uu socdo dagaalka sanad iyo bar jirsaday ee dalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukrine, waxaana wali aan jirin isku soo dhowaasho muujinaysa in la joojiyo dagaalka ee labada dhinac.

“xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada. Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”Harris ayaa intaas raacisay.

Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda, waxaana sidoo kale aan goobta ka marneyn tartanka quwadahaan ay ku tartamayaan dowladaha soo koraya xilligaan.

Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada, taas oo saameyn weyn ku yeelatay Buttin.

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dagaalka Ruusha iyo Ukrine ayaa wali ah  mid aan u muuqan dhammaad ama lagu kala adkaaday.

Goobjoog News