U bood dhigaalka

Mareykanka: Dibadbaxyaal Careysan oo Gubay Xarun Boolisku Ku Leeyihiin Minneapolis

Sheeko:Caalamka

Xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan magaladaasi habeenkii seddaxaad. Muddaaharaadayaasha ayaa ka careysan dilka ay boolis dileen nin madow oo aan hubeysnayn.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg xili ay magaaladaasi ka jirta bililiqo.

Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Goobjoog News