U bood dhigaalka

Mareykanka: Gabadhii Soomaalida Waa Soo Laabatay, “Squad”-ka oo Dhan Ayaa Lasoo Noqday

Sheeko:Baarlamaanka

Ilhaan Cumar oo gabar asal ahaan Soomaali ah balse u tartameysay mar kale kursiga Congress-ka ee degmada 5-aad ee Minnesota ee dalkaasi Mareykanka ayaa dib loo doortay.

Ilhaan oo ka tirsan xisbiga Dimoqoradiga ayaa natiijo weyn uga guuleysatay Lacy Johnson oo ah ganacsade ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Associated Press codadkii la tiriyey oo 99% haan 64.6% ayey heshay Ilhaan halka nin kale uu helay 25.9% .

Marwo Ilhaan, kaligeed ma guuleysan, ee waxaa la soo noqday “Squad”-ka oo ay iskula jireen sida Alexandria Ocasio-Cortez oo New York, Rashida Tlaib oo Michigan iyo Ayanna Pressley oo Massachusetts.

Ilhaan Cumar oo ah geesiyad ayaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa ay shaqo adag ka qabatay aqalka Congress-ka  iyada oo magac iyo maamuus ku heshay difaaca xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo fuqarada.

Goobjoog News