U bood dhigaalka

Mareykanka oo Hakinaya Dhaqaalaha uu Siiyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waxa uu sheegay in WHO ay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha.

Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani.

Goobjoog News