Mareykanka oo Sheegay Iney Dileen Cabdulqaadir Commandos, oo Ka Tirsanaa Hoggaanka Al-shabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga

AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in duqeyn ay fuliyeen 25-kii August ay ku dileen mid ka mid ah hoggaanka Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Commandos.
Duqeynta ayey sheegeen iney aheyd duqeyn diyaarad oo ka dhacday Saakow, laguna dilay Commandos oo xilal badan kasoo qabtay Al-shabaab.
Mareykanka oo sida ay sheegeen fuliyey 46 duqeymo ah laga bilaabo Janaayo sanadkan ayaa intaasi ku daray iney dileen saraakiil badan oo Al-shabaab sida Bashir Maxamed Maxamuud (Bashir Qoorgaab) iyo Yusif Jiis.
Goobjoog News