U bood dhigaalka

Marxuum Nabaddoon Axmed Diiriye

Sheeko:War

Waxaa xalay Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabaddoonnada Soomaaliyeed.

Haddaba, Sanadkii hore ayuu Nabaddoon Axmed Diiriye Cali Goobjoog News uga warramay  Taariikh nololeedkiisa.

Axmed Diiriye Cali, waxaa uu ku dhashay Cadaado, Galgaduud, 1944-kii halkaasi ayuu Qur’aanka ku bartay.

Axmed Diiriye Cali waxaa uu noqday nabaddoonka beesha Saleebaan ee Habargidir isaga oo 42 jir ah, 31-dii sano ee ugu dambeysayna jagadaasi ayuu hayey.

2007-dii, xilligii ay Itoobiyaanka soo galeen gudaha Soomaaliya waxaa loo doortay afhayeenka beelaha Hawiye isaga oo ka mid ahaa odoyaashii wax badan ka qabtay sidii looga hortagi lahaa dhibaatada ay Xabashidu ku hayeen reer Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeeyay nabadda iyo in diyo la kala qaado, adeer waxaa dhaqan u noqonnay dal aan dowlad laheyn” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

Alle ha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali xanuun muddo hayey ka dib ayuu xalay ku geeriyooday Muqdisho isaga oo 74 jir ah, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Goobjoog News