U bood dhigaalka

Masar Oo Duqeyn Ka Geysatay Gudaha Dalka Libiya

Sheeko:Caalamka

Madaxweyna Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa sheegay in ciidamada  dowladda Masar ay duqeymo ka geesteen goobo millatari oo ku yaallo waddanka Libiya.

Madaxweyne Al-siisii ma uusan sheegin goobaha rasmiga ah oo ay duqeeyeen ciidamada Masar, balse wakaaladda wararka ee bariga dhexe ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada Masar duqeyn ay ka geesteen Libiya iyaga oo  ku burburiyay xaruntii ugu weyneyd golaha shuurada ee Liibiya.

Duqeyntaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli shalay dalka Masar uu ka dhacay weerar lagu qaaday dad saarnaa baabuur Bas ah, weerarkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 28 qof halka ay ku dhaawacantay in ka badan 20 qof.

Masar ayaa waxay ugu shakisay weerarkaan inay geesteen maleeshiyaad ku sugan gudaha dalka Liibiya waxayna duqeyntaan ay uga aargudaneysaa kooxihii shalay Baska weeraray.

Goobjoog News