U bood dhigaalka

MAXAA DHACAYA HADDII AY KENYA KA QAYBGELI WEYSO DACWADA XADAYNTA BADDA EE U DHAXAYSA SOOMAALIYA IYO KENYA?

Sheeko:War

Waxaa jira warar sheegaya in Kenya ayna ka soo qayb galeyn dhagaysiga Dacwada Xadaynta Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo la qorsheeyey in ay billaabato berri oo taariikhdu tahay 15ka Maarso 2021.

Qodobka 53(1) ee Xeerka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa qaba “ markii mid ka mid ah dhinacyada dacwada ka dhaxayso uuna soo xaadirin maxkamadda, ama uu ku guuldarraysto in uu difaacdo kiiska, dhinaca kale waxa uu Maxkamadda ka codsan karaa in ay kiiska u xukunto.”

Arrinku hadda ma ahan mid dhib badan keenaya qaanuun ahaan, waana la isku raacsan yahay in maxkamaddu kiiska qaadi karto.

Sida aan la soconno, Maxkamaddu horay ayey go’aan uga gaartay in ay awood qaanuun u leedahay in ay kiiska qaaddo go’aankeedii 2/2/2017. Waxaa kale oo jira in Kenya ay qoraalladeedii (counter-memorial) oo ay ku muujinayso dooddeeda ay maxkamadda horay ugu gudbisay.

Kenya ma noqonayso dalkii ugu horreeyey oo aan soo xaadirin dacwad ka dhan ah oo hor taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Xilliyadii dagaalkii qaboobaa, dalal badan ayaa go’aansaday in ayna ka baaqsadaan ka qayb galka dacwadadda ka dhanka ah ee hor taallay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Weliba toddobaatameeyadii iyo sideetameeyadii aad ayey u badneed.

Laakiin hadda aad ayey u yaraadeen dalalka ka maqan dacwadda ka dhanka ah. Kiisaska ugu caansan waxaa ka mid ah, Dowladda Maraykanka oo 1985tii u sheegay Maxkamadda in ayna ka qayb galayn dacwad ay ka gudbisay Nicragua, iyada oo ku doodaysay in ayna maxkamaddu lahayn awood qaanuun oo ay kiiska ku qaaddo, iyo in uu yahay kiis siyaasadeed.

Maxkamaddu kiiskii waa qaadday, oo go’aan ay gaartay 1986, waxa ay guushii raacday Nicragua. Waxaa kale oo jira kiis ay 2014kii Marshal Iselands ay ka gudbisay dalal Pakistan ka mid tahay.

Pakistan wey gudbisay dooddeedii (counter-memorial), ka bacdina waxay maxkamadda u sheegtay in ay kiiska ka baxday oo ayna ka qayb galeyn.

Maxkamaddu kiiskii waa gashay, waxa ayna soo saartay go’aan Oktober 2016kii. Sidoo kale markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Maxkamadda Caddaaladda Adduunka weydiistay talo sharci oo ku saabsan darbiga Israil dhisaysay, dowladda Israil waa diiday in ay ka qayb gasho, laakiin maxkamadda wey sii wadday kiiskii, waxayna go’aamisay in dhismaha darbigu ka soo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah.

Markii uu dal u sheego Maxkamadda in uuna ka soo qaybgalayn dacwadda, waxaa weli u furan in qoraallo soo gaarsiiyo maxkamadda (position papers) uu ku caddaynayo dooddiisa.

Dalka Shinaha ayaa sidaas sameeyey dacwaddii South China Sea. Maxkamadda Dhexdhexaadinta (Arrbirtation Tribunal), kiiskan waxa ay gashay iyada oo China ka maqan tahay waxaana guushii qaatay Philipines.

Tan kale, dalka hadduu ka maqan yahay dacwadda macnaheedu ma ahan in laga xukumo dacwadda.

Maxkamaddu waxa ay dacwadda u qaadaysaa si caddaalad ah oo qawaaniinta caalamiga ah waafaqsan. Soomaaliya waa in ay Maxkamadda ka codsataa in kiiska la guda galo loona xukumo.

Haddii ay Soomaaliya rabto in kiisku socdo, maxkamaddu wey qaadaysaa.

Maqnaashaha Kenya waxba uma dhibayso go’aanka maxkamadda iyo in labada dalba ku qasban yihiin in ay fuliyaan.

WQ/Ahmed Khayre, PhD