U bood dhigaalka

Maxaa ka Qabsoomey Lixdii Tiir Ee Xasan Sheekh Sedex Sano Kadib?

Sheeko:War

Maalintii Doorashada.

Doorashadii madaxtinimo 10kii September 2012ka ka dhacday Dugsiga tababarka ciidanka Booliska ee Gen. kaahiye, waxay mar aheyd tallaabo dhanka fiican loo qaaday, waxay soo afjartay madaxweyneyaal, iyo goleyaal shacab oo dibadda lagu soo dhisayey muddo Kow iyo Labaatan sano aheyd, Taas (dowladahaas dibadda lagu soo dhisey) oo niyad jab ku aheyd sama-jecle badan oo soomaali iyo soomaali kal-kaalba leh, waxay u muuqatay mid bilow mooyee aan dhamaadba laheyn.

Dhankaasi marka laga fiiriyo waa guul siyaasadeed oo muujisay in soomaali ahaan dhib kastaaba ha jiree aan dowlad ku dhisi karno dalka gudihiisa.

Doorashadaasi waxaa ku soo baxay xasan sheikh maxamuud oo noqday madaxweynaha 8-aad ee jamhuuriyadda soomaaliya, iyo madaxweynaha shanaad ee mudada aan ku jirno bur-burka iyo dagaalada.

Laba boqol lixdan iyo sagaal xildhibaan oo codka bixinayey ayaa madaxweyne Xasan Sheikh siiyey boqol iyo sagaashan cod, halkii madaxweynihii KMG-ka ugu dambeeyey ee sheikh shariif sheikh Axmed oo meel fiican uga tagay shaqada uu helay todobaatan iyo sagaal cod.

Maxaa la Filayey?

Saameynta ay nagu reebeen colaadaha iyo dhiilada dhowr iyo labaatan sano jirsatay darteed waxaa naga sii idlaanaya dulqaadka iyo in qofka la siiyo fursad uu ku sheego waxa wanaagsan ka dibna uu ficil ugu rogo waxii uu sheegay.

Inteena badan waxaan jecelnahay in annagoo iska fadhina ay wax walba u dhacaan sida aan dooneyno.

Sidaasi daraadeed intii dooratay madaxweynaha iyo intii loo doorayba waxay sugayeen isbedel wanaagsan oo laakiin deg-deg ah.

Ma dhaboobay isbedelkaasi iyo sidii la doonayay in ay wax u dhacaan, Waa sababta aan dib u malicsaneyno sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Maxaa Is bedelay?

Guushii madaxtinimada ee madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud oo wadatay olole dhinacya badan ahaa waxaa lagu xasuustaa ereyo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Isbedelka, iyo hadalladiisii xilligaasi oo u muuqday kuwo jawaab u haya dhibaatada hoggaan xumidu sababta u tahay ee dal iyo dad ahaanba na dillooday.

sadex sano oo ay u buuxsan tahay xilka madaxtinimo ee madaxweyne xasan sheikh maxamuud mala gaaray meeshii loo socday een mudada dheer ugu jirnay Xilliga KMG-ka?

Su’aashan jawaabta kasoo bixi kartaa waa “Hilibka Sararta ninba si u arag”  sararta ninkii samaanteeda rabaa wuxuu ka eegaa xagga sare ninkii xumaanteeda doonayana xagga hoose.

Waxaan uga jeedaa qofkii ku faraxsan mirihii kasoo baxay doorashadaasi aragtidiisu waa mid togan, qofkii qabay taas bedelkeediina waa mid taban.

Ka warbaahin ahaan, waxaan uga jeednaa in aan u dhaxeyno labada dhinac oo aan sheegno guusha iyo sababta, guul darrada iyo sida ay ku timid.

Adiga ka aqriste ahaan, Si aad u hesho qiyaas iyo meel aad wax ka qiimeyso bal Dib u xasuuso lixdii tiir ee uu ku ololeeyey madaxweyne xasan sheikh ka dibna is weydii waxyaabaha ka qabsoomay?!

Lixda Tiir

  • Xasilinta dalka, sarreysiinta sharciga iyo dowlad-wanaagga.
  • Dib u habeyn iyo xoojin hey’adaha amniga qaranka.
  • Dhisidda ciidan tayeysan oo leh tiro ku filan oo uu ku gudan karo waajibaadkiisa qaran.
  • Abuuridda xiriir wanaagsan oo ku saleysan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida.
  • Ka hortagidda afkaarta xag-jir-nimada ee mida diineed iyo midda qabiileed.
  • Dhisidda nidaam garsoor iyo caddaalad madax-bannaan oo kalsooni iyo aaminaad ku qabta howshiisa heysta, isla markaana dhowra xuquuqda iyo xoriyadda aasaasiga ee muwaadinka.

Amaanka iyo Siyaasadda

Xasilinta dalka haddii ay tahay muhim sida uu sheegay madaxweyne Xasan maxaa ka qabsoomay tan iyo xilligaasi?

Waxaa dhacay weeraro lagu qaaday xarumo iyo dhismayaal astaan u ah jiritaanka dalka oo dhan waxaa dhintay muwaadiniin dal iyo dibadba uga yimid rajadii iyo yidadiiladii uu muujiyey madaxweynuhu markii uu guuleystay.

Sidoo kale  dhimashadoodii waxaa ka dhashay tacsi iyo in madaxweynuhu cambaareeyo ciddii ka dambeysay, taas oo aan qancin Karin ehelada dadkaasi la dilay.

Sidii caadada aheyd hannaankeena dowladnimada ee mudada bur-burka waxa uu madaxweyne xasan sheikh bedelay Ra’iisul wasaarihii koowad, wuxuu ku xijiyey kii labaad wuxuu hadda la shaqeynayaa kii sadexaad ayadoo aan la hubin inta wada-shaqeyntoodu sii jiri doonto, haddiiba aan madaxweynaha lagu ridin mooshinka xilligan la wado.

Waxaa xusid mudan sababta loo riday ra’iisul wasaarihii koowaad ee dowladda Xasan Sheikh hogaaminayo waxay aheyd in ra’iisul wasaaraha xukuumadiisu ay ka gaabisay shaqadii loo diray ee wax ka qabashada ammaanka qaranka.

Hayeeshee wasiirkii u qaabilsanaa ammaanka qaranka xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa mar kale loo dhiibay wasaaraddii sababteeda loo riday xukuumad dhan.

Taasi waxay u muuqatay gef-siyaasadeed oo ku dhacay waaya-arag-nimo la’aanta xagga xasilinta ammaanka ah ee soo qabsatay dhamaan dowladihii dalka soo maray.

Madaxweynuhu markaas ka dib wuxuu magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee ah Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo ay xukuumadiisu la kulantay dhacdooyinkii ugu dhibka badnaa ee dhaca intii ay dhisneyd dowladda.

Cabdiweli isaga oo aan sina loogu garaabin ayaa xukuumadiisa la riday lana dhisay midda hadda jirta ee uu hogaaminayo Cumar Cabdi-rashiid cali sharma’arke.

Dabcan, Ugu yaraan isbedel ayaa jira markii la doortay ka dib Madexweyne xasan sheikh iyo intii aan la dooran ka hor ee ah intii lagu jiray marxaladdii KMG.

Hayeeshee isbedelkaasi muxuu noqon karaa? Mid dib u noqosho mase mid hor u socod ah? Mase intuba maahe isla halkii shalay la taagnaa ayaan weli laga dhaqaaqin

Garsoorka iyo Cadaaladda

Tiirarkii lixda ahaa ee uu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh waxaa ka mid ahaa garsoorka iyo hagaajinta cadaaladda oo ah meesha dhibkeedu uu gaaray guri walba oo uu ku nool yahay qof soomaali ah.

Tan lagu farxi karo ayaa ah in madaxweynuhu ogyahay dhibaatooyinka aan tirada laheyn ee ka taagan garsoorka iyo cadaaladda, iyo dhaqamada qaar oo muwaadiniin badan ku beeray dhabana heysta, kaas oo ah dad aan u heysano garsoorayaal oo fadhiya xafiisyada loogu tala galay in muwaadiniintu ku sheegtaan dhibkoodii si loo xaliyo ay yihiin kuwa garsoorka oo dhan xaraasha oo dhaafsada hadba meeshii ay dheef ka helayaan.

Taas waxaa sababay baa la dhihi karaa iimaan la’aanta, saboolnimada, baahidoodii oo dhaaftay intii ay dabooli kartay dowlad dhaqaala ahaan taag daran, qaarkood oo ka bad-baaday dembiyo waaweyn oo ay aheyd in laga jaro isla markii ay galeen iyo waxaa sidoo kale loo aaneyn karaa shaqaalaha cadaaladda oo xafiisyada lagu keenay si ka duwan nidaamka wax shaqaaleysiinta iyo qaarkood oo weli shaqeynaya waqti aad u fog.

Dhibaatada ka taagan dhanka nabadgelyada ee madaxweynaha qudhiisa lagu weeraray todobaadkii ugu horreeyey ee uu xilka qabtay, dhacdooyinkii weerarada iyo qaraxyada watay iyo dilalka mudanayaal baarlamaan ayaa horseeday in dad aad u farabadan la qab-qabto oo qaarkood laga yaabo in aaney waxba ka ogeyn waxa socda, kuwaasi oo halkii ay heli lahaayeen garsoor cadaalad ah uu madaxweyne xasan sheikh sheegay in uu la kulmay wax ka yaabiyey oo ah garsoor daayee in aaney dadkaasi bani’aadan nimo ahaanba u nabadgelin.

Xiriirada Caalamiga

Siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah dowladdu waxa ay gaartay meelo fiican, ka dib ka jawaabidda fursado taagnaa, waxa ay dowladdu inta ay jirto ku guuleysatay in ay ilaaliso jiritaankeeda, arrimaha maamulada gobolada oo ahaa tijaabo fiican qaarkood waxay u maareysay intii karaankeeda ah, welise waxaa jira cabaqado ka taagan dhisidda maamulo kale.

Dhowr dowladood ayaa taageerada jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya ka dib yimid si aaney uga maqnaan meesha.

Dowladda hadda jirtaa waxay ilaalisay xiriirka dowladaha aan deriska nahay ee lagu xanto in ay iska dhowrayaan dowladnimo ka dhacda soomaaliya, illaalinta xiriirkaasi iyo wanaajintiisu waxay maanta noo tahay dan aan ku gaari karno dano kale.

Nabadgelyada Gudaha

Dhanka nabadgelyada iyo qaabka ay dowladdu u maareysay bishii agoosto ee sanadkii hore waxay u muuqdeen xirfado fiican sababtoo ah howlgal hub-ka-dhigis ah ayay ku sameysay dhowr hogaamiye oo heystay hub kan dowladda ka madax-bannaan.

Hub dhigista ayaa ah sababta ugu macquulsan ee deganaansha iyo xasiloonida horseedi karta.

Talaabooyinka ay sanadkii hore dowladdu qaaday ee ahaa hubdhigista ayaa muujiyey arrintaas iyo sida loogu baahan yahay.

Dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee ay dowladdu ku qaadeyso meelaha ay weli heystaan ayay dadka qaarkii u arkaan in ay tahay mid ay dowladdu isku muujin karto.

Laakiin dhinaca kale goobihii fariisimaha u ahaa ciidamada amisom iyo kuwa dowladda ee dhawaanahan la faarujiyey ee mar kalena dib gacantooda ugu wareegay al-shabaab ayaa dhabar jab ku ah wax qabad kasta oo dhinaca nabadgelyada ah oo ay dowladdu sheegan kartay.

Sidoo kale dhibaatooyinka ka dhashay ee sababay in ay barakacaan dadkii deganaa magaalooyinkii uu gaaray gulufka colkii badweynta hindiya loogu magacdaray ayaa iyana ah caqabad guulihii ay sheegatay dowladda ceebo u yeelay.

Dhisidda Ciidamada

Tiirarka dowladnimada waxaa ka mid ah in uu dhisan yahay ciidan xooggan oo sugi kara amniga gudaha iyo kan dibadda haddii loo baahdo, hayeeshee waxaa xusid mudan in dowladdu weli ciidan ahaan ay ku tiirsan tahay kuwa amisom oo dalka jooga muddo sideed sano ah.

Tan iyo xilligaasi haddii loogu talo galo oo daacad laga yahay waxaa la dhisi karay ciidan soomaaliyeed oo gacanta ku qabta guud ahaan dalka oo dhan ama ugu yaraan gobolada ugu muhiimsan ee ay dowladdu maamusho waa sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha amaanka iyo siyaasadda.

Gunaanad

Sanad kaliya oo ka harsan xilka dowladda uu Xasan Sheikh hogaaminayo, waxaa horyaala sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha taagan ee qaarkood lagu xalin waayey sadexdii sano ee lasoo dhaafay,

Sidaasoo ay tahayna sanadka soo socda waxa uu horseedi karaa dib u doorashada xasan sheikh, taas oo qudheedu ku xiran tahay sida uu u dhaqmo iyo in uu marka hore si wanaagsan u maareeyo oo uu ka bad-baado mooshinka laga keenay.

Haddii si lagu wada qanacsan yahay loo diyaariyo doorashada lagu wado in ay dhacdo sanadka xiga, waxaa markaasi suurtagal ah in cod bixiyayaashu ay qiimeeyaan doorashada qof cusub oo aan la ogeyn waxa uu soo sido iyo madaxweynaha hadda haya talada oo ay soo tijaabiyeen awooddiisa hogaamineed.

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

 

RIIX HALKAAN SI AAD WARBIXINTAAN USII DHAGEYSATO