U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta kulan caadi ah ku yeelanaya xaruntooda.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka ladagaalanka musuq maasuqa, waxaana golaha ka hor akhrin-doona wasiirka cadaaladda ee xukuumadda federaalka ah Avv.  Xasan  Xuseen Xaaji.

Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa ayaa waxaa horay u soo ansixiyay golaha shacabka November 13, 2017, waxaana la filayaa in aqalka sare kadib uu madaxweynaha  saxiixo, lagu daabaco faafinta rasmiga si loogu dhaqmo.

Goobjoog News