U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Kulanka Rooble iyo Xog-hayeyaasha Labada Aqal

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa dhaarinta xildhibaanada cusub.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac oo ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Rooble.
Rooble ayaa sidoo kale la sheegay in labada mas’uul uu kala hadlay sidii loo fududayn lahaa howlaha baarlamaanka cusub si ay u dhacdo doorashada labada guddoon iyo tan madaxweynaha.
“Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Rooble.
14-ka April ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xildhibaanada cusub ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad.
Goobjoog News