Maxaa Ku Soo Kordhay Kulanka La Filayey Ee Donald Trump Iyo Kim Jong-un?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay jirto “Fursad badan” oo ah in aanu dhicin kulanka bisha dambe lagu waday inuu dhex maro isaga iyo hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.
Kulankan oo looga hadli lahaa arrimaha badan ayuu shaki geliyay Donald Trump kadib kulan uu la qaatay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in.
Waqooyiga kuuriya waxaa ay sidoo kale shaki ka qabtaa in Mareykanka uu ka dhigo niyukleer-ka si la mid ah qaabkii hoggaamiyaha Libya Mucamar Al-qadaafi.
Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay in ay wadahadalada ka bixi doonto haddii Mareykanka ay ku cadaadiyaan in hub ka dhigis niyukleer.
Wada hadalka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa haddii uu dhaco waxaa uu noqon-doonaa mid taariikhi ah, labada nin lama sadaalin karo dhaqankooda iyo go’aanka intaba.
Goobjoog News