U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wakiillada Punland?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta isugu yimid Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha , uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha wakiillada maamulkaasi Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha .

Xildhibaannada golaha wakiillada Puntland  ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta maamulkaasi  oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa golaha wakiillada Punland  ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta golaha wakiillada  go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa si rasmi ah uu Gudoomiyaha Golaha Wakaalada  usoo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland kaas oo soo socday illa June 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Punland ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.

Goobjoog News