U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacab?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha ayaa lagu wadaa in goluhu uu go’aan ka soo saaraan asteynta kuraasta golaha shacabka iyo goobta la dhigayo doorashadooda, oo maalmihii tagay mudanayaashu kalahaayeen dood dheer, ayaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah ay meel mariyaan.

Kulaha shacabka ayaa markii dib loo furmay kalafadhiga 7-aad, waxaa ay meel mariyeen xeerea dhowr ah oo ay kamid ahaayeen kuraasta gobolada Woqooyi iyo matalaadda gobolka Banaadir ee gobalaha Aqalka sare, waxaana jira xeer waa weyn oo golaha u dhiman sida dib u eegista Dastuurka dalka.

Goobjoog News