Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho.

Sida ay Goobjoog News heshay, ajendaha kulanka maanta waxaa ka mid ah aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha.

Xildhibaannada waxaa loo qeybin doonaa Hindise sharciyeedkan, waxaana la gudageli doonaa ka doodistiisa.

Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in kulankaan uu shir guddoomiye guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW