U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  maanta yeelanaya kulan looga hadlaayo xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii tegey ee 2018-kii.

Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa horyaalla Ajandayaal dhowr ah kuwaasi oo  kala ah inay akhrinta koowaad marsiiyaan Xisaab xirka Miisaniyadda sanadkii tegay iyo akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Daawada.

Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta, si ay mudanayaasha warbixino uga siiyaan xisaab xirka miisanad sanadeedka 2018-ka iyo Hindise sharciyeedka Daawada.