U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadley Kulanka Guddoonka Aqalka Sare Iyo Safiirka Jaamacadda Carabta?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ku-xigeenkiisa 1aad Abshir Maxamed Axmed, ku-xigeenka 2aad Mowliid Guhaad iyo xubno kale oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ayaa isniintii xafiiskooda kula kulmay  Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Xamuud Samraan Al-xuwaytii.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayaa safiirka kaga mahad celiyay imaatinkiisa oo ah midkii ugu horreeyay oo wafdi ka socda Jaamacadda Carabka ku soo gaaraan Xarunta Golaha Aqalka Sare.

Safiirka ayaa dhankiisa mahadballaaran u jeediyay Guddoonka Aqalka waxa uuna sheegay in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto qabashda kulamo iyo shirar ku saabsan deymo cafinta dalka Soomaaliya; si dalku usoo kabto dhaqaale ahaan.

Guddoomiyaha Aqalka ayaa bogaadiyay dhamaan qodobadii uu soo bandhigay safiirka waxaa uuna ballan qaaday inay xiriir wada shaqayn wada yeelan doonaan labada dhinac.

“Waa markii ugu horraysay ee safiir ka socdo dal carbeed uu soo gaaro Aqalka Sare, waxaan jecelnahay in walaaleheena carbeed aan wada shaqayn dhow iyo mid walaaltinimo yeelano, waana kaaga mahad celinayaa imaatinkaaga, waxaan yeelan doonnaa kulamo kale insha allaah” ayuu kusoo xiray guddoomiyaha kulanka.

Goobjoog News