U bood dhigaalka

Maxamed Shaakir Cali Xasan

Sheeko:War

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo matalaya Ahlu-sunna waxaa uu arbacadii heshiis la galay maamul goboleedka Galmudug.

Maamulkiisa oo hadda heysta caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb waxaa lagula heshiiyay in ay qeyb ka noqdaan maamulka Galmudug, baarlamaannada isku biiraan, taliyeyaasha iyo wasiiradana loo qeysado qaabka matalaadda beelaha.

Hadaba, waa Kuma Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan: 

Waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1974-tii, waxbarashada aasaasiga ah waxaa uu ku qaatay dugsiga Ma’muun, waxaa uu heystaa Shahaadooyinka kala duwan waxaa ka mid ah: Diploma oo ka qaatay Culuum Xadiis ee Sanca, Jaamacadda Axqaaf oo uu ka qaatay shahaadada Jaamacadda heer koowaad iyo labaad, isagoo bartay Shareecada iyo Qaanuunka iyo cilmiga Siyaasadda, waxaa uu hadda wadaa shahaadada Dektoorada uu ka diyaarinayo cilmiga siyaasadda isla Jaamacadda Axqaaf.

Horay waxaa uu Ahlu-sunna u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fulinta, muddo hadda 2 sano ah waxaa uu madax ka yahay maamulka la magacbaxay gobollada dhexe.

Goobjoog News