U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ergayga Arrimaha Somaliland iyo Qaramada Midoobey?

Sheeko:Caalamka
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta xafiikeeda kula kulmay Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Marwo Anita Kiki Gbeho, waxaana uu uga mahadcelayay dowrka Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Dowlad dhiska iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadalada Dowladda Fedaralka iyo Somaliland, iyo sidoo kale in Dowlada Soomaaliya ahmiyad gaar ah siineyso wadahadalaasi.
Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u ballanqaaday Ergeyga in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, waxaana ay adkeesay sida diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta iyo goor kasta, sidii ay usoo kaban lahaayeen, cagahoodana ay ugu istaagi lahaayeen, waxaana ay ballan qaaday in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaan.
Goobjoog News