U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjiraha Dalka Jabuuti

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.
Guddoomiyaha ayaa danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoona dhambaal saalaan u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo bishii la soo dhaafay lagu doortay Jabuuti, waxaana uu kula dardaarmay danjiraha cusub inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo wada shaqeynta walaaltinimo ee labada dal.
Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf oo Guddoomiyaha uga mahadceliyay ayaa xusay in si wanagsan loogu soo dhaweeyay dalka, waxaana uu sheegay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.
Goobjoog News