U bood dhigaalka

Maxay Kawa Hadleen Rooble iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyin Dadban?

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdsho kulan kula qaatay  guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee  heer federaal Muuse Geelle Yusuf oo uu kala hadlay hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada oo madaxda maamullada qaar ay ka horyimaadaan jalwalka lasoo saaray.

Waxaa sidoo kale Rooble uu kala hadlay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dhamaystirka doorashooyinka golaha  waxaana uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada Xildhibaannada dhiman, inay dhaqan geliyaan jadwalka ay soo saareen, kaas oo madaxweyne Qoorqoor iyo Laftagareen ay ka horyimaadeen waqtiga loo qabtay dhaarinta ee 14 April.

Dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa soo dhammaystiray doorashada xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, xili wali maamullada Hirshabeelle iyo Jubbaland waliaysan soo dhammaynin, iyadoo deegaan doorashada labaad ee Jubbaland u taagan tahay khilaaf siyaasadeed oo aan wali xallaga gaarin Garbahaareey.

Goobjoog News