U bood dhigaalka

Rooble Oo La Kulmay Guddiga FEIT iyo Xoghayyaasha Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa kulan maanta Muqdisho kula qaatay guddiga dirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT iyo xoghayeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka federka ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga iyo xoghayeyaasha kala hadlay daadajinta iyo dhamaystirka bixinta shahaadooyinka iyo aqoonsiyada xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad oo si hasami leh uu uwado FEIT.

Waxaa sidoo kale kulanka isugu soo gaaday in loo diyaar garoobo dhaarinta xildhibaannada cusub ee la doortay oo laga sugaayo inuu guddigu qabto 14-ka bishaan April 2022-ka oo ah maalintii guddiga FIET uu u asteeyay.

Guddoomiyaha  Muuse Geelle Yuusuf , Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux xoghayaha golaha shacabka  iyo Cali Maxamed Jaamac xoghayaha aqalka sare ayaa iska kaashaday bixinta shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.

Goobjoog News