U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Axmed Madoobe iyo Guddiga FEIT?

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal FEIT Muuse Geelle Yuusuf, oo isaga iyo xubno guddiga ah ay gaareen Kismaayo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa, iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in dowlad goboleedkaJubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.
Guddiga ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay u kuurgalaan xaaladda magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo guddigu uu go’aamiyay in loo wareejiyo deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbland oo la isku mariwaayay in Garbahaareey lagu qabto doorashada.
Goobjoog News