U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Cabdi Xaashi iyo Shiikh Aadan Madoobe?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha  aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe ayaa kulan maanta ku yeeshay Muqdisho, iyaga oo kawada hadalay arrimaha hortabinta u leh  Baarlamaanka FS.

Kulan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray kulanka wadajir ah ee golayaasha ay isugu imaanayaan 4-ta May, kaas oo lagu wado in looga hadlo xulista guddiga qaban qaabada doorashada  madaxweynaha dalka.

Shiikh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa markoodii labaad kala hoggaamaniyo golaha aqalka sare iyo golaha shacabka, waxaana dhowaan lagu wadaa in caasimadda Muqdisho ay marti geliso doorashada madaxweynaha.

Goobjoog News