U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddiga Doorashada iyo Taliyeyaasha Ciidamada?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga isku dhafka ah ee Baarlamaanka federlka Soomaaliya ee doorashada madaxweynaha ayaa maanta la kulmay taliyaasha ciidamada Milatariga iyo Booliiska dowladda federalka taliye Odawaa Yuusuf iyo taliye Xijaar.

Guddiga ayaa taliyeyaasha kala hadlay amniga goobta doorashada ay ka dhacayso, waxaana siweyn looga hadlay sida ugu muhiimsan ee ciidamadu isaga kaashan lahaayeen iyo guddiga doorashada madaxweynaha ee dhacayso.

Guddiga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta soo saaray shuruudaha musharraxiinta xilka madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo 15-ka bisha May oo maalmo ay naga xigaan.

Goobjoog News