U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddiyada FEIT iyo SEIT Jubbland.

Sheeko:War

Guddigiga hirgelinta doorashooyinka FEIT iyo guddiga doorashooyinka SEIT Jubbaland ayaa kulan wadajir ah ay Kismaayo ku yeesheen waxaa looga hadlay sidii loo dardergelin lahaa doorashada deegaan doorashada labaad ee magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf, waxaana dhankooda SEIT ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada 16-ka kursi ee ku dhiman gobolka Gedo, kuwaas oo aan wali lasoo dooran.

Kulanka ayaa waxa kasoo baxay ugu dambeyn go’aano miro dhal ah, kuwaas oo ku aadan dhamaystirka deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, guddoomiye Muuse Geele oo ku sugan Kismaayo ayaa wada kulamo ku aadan sidii loo dhamays tiri lahaa doorashada Ceelwaaq.

Goobjoog News