U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Dowladda Qatar?

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliye Amb. Hassan bin Hamza Hashem, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah, waxaana uu u gudbiyay hambalyo salaan uu u siday.
Danjiraha ayaa marka hore u yimid dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar mudane Hassan bin Abdulla Al-Ghanim, taas oo ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii wanagsaneyd uu ku soo geba gabeeyay doorashadii lagu doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana la xusuustaa in Qatar shantii sano sano ee muddo xileedka Farmaajo ay siisay taageero dhinac waliba ah.
Goobjoog News