U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddoonka Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoonka golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya  oo maanta kulan ku yeesheen xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah.
1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.
2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10aad.
3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare.
Kulanka waxaa kaloo qayb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Goobjoog News